Qubarrada arrimaha amniga ka foolaada iyo qaar ka mid ah madaxda dalalka ku mideysan howlgalka midawga Afrika ee ATMIS, ayaa waqtigan is weydiinaya in ciidamada Soomaaliya ay ku filan yihiin masuuliyada amniga dalkooda.
Qubarrada ka foolaada amniga, ayaa in badan shaki galinaya in ciidamada Soomaaliya ay waqtigan qaadi karaan masuuliyada amniga dalkooda, sababo la xiriira caqabada badan oo ku gadaaman.
Tan koowaad ayey ku sheegeen midnimo la’aan ciidamada Soomaaliyeed ka dhex jirta, kuwaas oo u kala qoqoban qaab beeleed.
Qubbarada ayaa sheegaya in inta badan ay dhacdo, inuu dhex maro dagaal qabiil, sida iminka ka taagan magaalada Baraawe, halkaas oo ay ka taagan tahay xiisad u dhaxeysa ciidamada ka wada tirsan dowladda, balse magac qabiil huwan.
Waxaa adag sida la tilmaamayo in la helo ciidamo tayo leh, oo huwan magaca qaranimo ee Soomaaliya, kuwaas oo ka nadiif ah qabyaalada iyo wax kasta oo kala geyn kara shacabka, ay naftooda iyo hantidooda ilaalaha ka yihiin.
Wasaarada Gaashaandhiga Soomaaliya ayaa toddobaadkan sheegtay in dalka laga saaray ku dhawaad 2000 kun oo askari, kuwaas oo qeyb ka ah howlgalka nabad ilaalinta midawga Afrika ee ATMIS.
Arrintaasi waxaa walaac ka muujiyey madaxweynayaasha dalalka Jabuuti iyo Kenya, oo ay ciidamadoodu qeyb ka yihiin howlgalkan, waxeyna shaki ballaaran galiyeen in masuuliyadaa ay qaadi karaan ciidamada Soomaaliyeed, hase ahaatee dowladda Soomaaliya ayaa ku adkeysaneysa in tallaabadaasi ay dhaqan gasho.
Sida la filayo 15- bishan ayaa ciidamada Soomaaliya lagu wareejinayaa fariisimaha ay baneynayaan ciidamada ATMIS ka tirsan ee bishan baxaya, oo ay tiradoodu dhan tahay 2000 kun oo askari.
Waxaa laga dhursugayaa inta ay la ekaato, kaalinta ay ciidamada Soomaaliya ka qaataan masuuliyada ay baneynayaan ciidamada ATMIS, waxaana haddii ay tijaabadan guul ka soo hoyaan ay horseedi kartaa in ciidamo kale oo ATMIS ka tirsan ay iyagan qaadaan dhabaha ay qaadayaan 2000 kun ee baxeysa bishan June.