Ciidamada dowladda Soomaaliya ayaa guullo ka sheegtay howlgalo, maalmihii ugu danbeeyey ay ka sameynayeen deegaanno hoostaga gobolka Hiiraan.
Howlgalkan oo si gaar ah looga fuliyey inta u dhaxeysa degmooyinka Halgan iyo Buoloburte, ayaa waxaa goobaahaasi looga saaray koox ka tirsan Al Shabaab oo halkaasi ku dhuumaaleysaneysay.
Kooxda Al Shabaab, ee halkaasi laga saaray, ayaa inta badan gobolka Hiiraan ku soo qaadi jiray, weeraro ku dhufo oo ka dhaqaaq ah, waxaana iminka gacan ku heynta deegaanka Halgan la wareegay ciidamada dowladda.
Howlgalkan waxaa ciidamada dowladda garab ka siiyey ciidamada deegaanka ee loo yaqaan Macawiisleyda, kuwaas oo kaalin muhiim ah ka qaatay soo afjarida howlgalkaasi.
Inta uu howlgalka socday, saaxiibada Soomaaliya taageera ayaa ka fuliyey weeraro duqeymo ah, oo sida la sheegay lagu dilay 60- ka tirsan kooxda Al Shabaab.