Ciidanka xoogga dalka gaar ahaan Guutada 24-aad ee khalid binu waliid ayaa maanta Howlgalo kasameysay Hoowdka u dhaxeeya Cali heele iyo Daarunimco halkaas oo ay ka ceyriyeen Maleyshiyaad Khawaarij ah oo si dhuumaaleysi ah ku soo galay.
Taliyaha Guutada Khaalid Binuwaliid Maxamed Dhagaweyne ayaa Warbaahinta Qaranka u xaqiijiyay in Ciidamada Maleyshiyaadka Khawaarijta ka sifeeyeen tuulooyonka Buurmuqle, Labi oow Xasan iyo deegaano kale kuwaas oo ahaa Dhul howd ah oo khawaarijta gabaad ka dhiganaysay.
Howlgalkan ayaa daba joogay, kadib falal amni darro iyo weeraro maalmahan ciidamada dowladda uga imaanayey kooxda Al Shabaab.
Mudooyinkii ugu danbeeyey, waxaa kordhay howlgallada ay ciidamada dowladda iyo kuwo deegaanka ka fulinayaan gobolada dalka.