Ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo koox hubeysan ayaa barqonimadii maanta ku dagaalamay Magaalada Muqdisho gaar ahaan Degmada Dayniile Waaxda Ciise Cabdi, inta la xaqiijiyay labo ruux ayaa geeriyootay.
Sida ay warfidiyeenada u sheegeen ilo deegaanka ah, Kooxda hubeysan ayaa la sheegay in ay dhac ka geysaneysay xaafado ka mid ah Waaxda Ciise Cabdi, waxaana Ciidamada ammaanka oo la wargeliyay ay ku dagaalameen isla goobta oo markii dambe lagu toogtay.
Saraakiil qeyb ka ah ciidamada Booliiska, Nabadsugidda & Booliiska sida Militariga u tababaran ayaa goobta tagay, waxaana la xiray agagaarka halka ay wax ka dhaceen sida ay saxaafada u sheegeen ilo kala duwan oo xogtaan la wadaagay.
Halka dirirta iyo is-rasaaseynta ay ka dhacday waxaa dhowaan lagu dilay askari ka tirsan ciidamada ammaanka Dowladda Federaalka Soomaaliya, waxaana dhinac socday baaritaanno kala duwna oo Hay’adaha amniga sameeyeen falkaasi kadib.