Liverpool ayaa noqotay kooxdii ugu dambeysay ee kusoo biirta kooxaha sida weyn u doonaya xiddiga khadka dhexe ee PSV Eindhoven Ibrahim Sangare, xilli kooxaha waa weyn ee Premier League ay isha ku hayaan suuqa kala iibsiga ee sanadka 2023.
Kooxaha AC Milan iyo West Ham ayaa dhawaan sheegay in ay xiiseynayaan xiddigan reer Ivory Coast ee Sangare, waxayna sheegeen in ay sii wadi doonaan dalabyada kooxaha iyo sidoo kale la socoshada qaab ciyaareedkiisa. Sangare oo 10 kulan u saftay kooxdiisa ayaa dhaliyay 3 gool kulamadaas isagoo sidoo kale dhigay baasas heerkoodu sareeyo.
Chelsea ayaa sidoo kale la xaqiijiyay in ay la xiriirtay PSV si ay ugala hadasho heshiis ay kula soo wareegeyso Ibrahim Sangare. Chelsea ayaa la sheegay in ay diyaar u tahay in ay bixiso lacag u dhaxaysa €40-45m (£35-39.5m) hase yeeshee PSV ayaa lagu soo waramayaa in aysan ahmiyad badan siinin dalbkaas.
Inkastoo PSV ay Sangare siisay heshiis cusub bilowgii bishii sideedaad ee sanadkan kaas oo socon doona ilaa sanadka 2027, hadana taasi kama joojin kooxahan xiisaha ay u qabaan helista xidigan.
Maxamed Ibrahim, London