Cesc Febregas, oo ka mid ah xidigaha khadka dhexe kuwooda ugu fiican ee garoomada kubbada cagta soo maray, ayaa si rasmi ah u shaaciyey inuu ka fariistay guud ahaan kubbada cagta.
Cesc ayaa ka mid ah kubbad sameeyayaasha ka aflaxay kulliyadda da’yarta ee La Masia , ayaa halkaasi ka soo dhaqaaqay sanadkii 2003, isagoo ku biiray kooxda Arsenal, oo waqti badan la soo qaatay.
Cesc Febregas ayaa ka mid ahaa xidigihii xulka Spain ee sanadkii 2010-kii ku guuleystay koobka adduunka, oo markaasi lagu qabtay Qaarada Afrika, gaar ahaan dalka Koonfur Afrika.
Xidigan oo dib ugu laabtay kooxdii uu kubadda cagta ka soo billaabay ee Barca ayaa kula guuleystay koobab kaa ah: laba Spanish Super Cup, Copa del Rey iyo UEFA Supercup.
Horyaalka Ingiriiska ee Premier League oo uu mar kale ku soo noqday, isagoo xiran maaliyada naadiga the Blues Chelsea, wuxuuna la qaaday laba horyaal oo Premier League ah, FA Cup iyo Europa League.
Isagoo intaasi kadib aadday kooxda reer France ee Monaco oo uu kaga sii gudbay kooxda reer Talyaanig ee Como, taas oo isla hadda da’yartooda u noqday tababare.
Cesc ayaa lagu soo xasuusan doonaa bandhig masraxeed cajiib ah oo uu soo bandhigay muddadii uu kubada cagta ku jiray oo ku dhaw 23 sano.