Qaar ka mid ah qubarada ku taqasustay cilmiga badaha iyo kalluumeysiga ayaa ka warbixiyey caqabadaha xiligan heysta kalluumeysatada Soomaaliyeed, oo ay ugu horeeyaan dhinaca tayada doomaha iyo qalabka kale ee muhiimka u ah kalluumeysiga, iyadoo intaasina ay wehliso in xilliyada qaarkood gudaha badda lagu waayo kalluumeysato u jilaabasho tagtay.
Eng Ceydruus axmed xasan oo ku taqasusay cilmiga kalluunka iyo badaha ayaa ka warbixiyey dhibaatooyinka ugu badan ee kalluumeysatada ka heysta noocyada agab ee ay ku shaqeeyaan, isagoo sheegay in qalabka ay heystaan tayadiisu liidato.
Eng Ceydruus ayaa dhinaca kale sheegay in ay aad u kala fog yihiin baaxada kalluunka laga helo xeebaha Soomaaliya iyo tirada dadka ka faa’iideysta, taas oo uu ku tilmaamay arrin nasiib darro ah.
Bilihii ugu danbeeyey waxaa soo ifbaxayey in kalluumeysto Soomaaliyeed lagu waayey gudaha badda, kuwaas oo markii danbe laga helay wadamo ay ka mid yihiin Singaboor, iyo Maldaves, haddaba maxaa keeni kara in shilalka noocaasi ay ka dhacaan gudaha badda waa kan Dr xuseen cali axmed oo ah qabiir aqoon dheeraad u leh qeyraadka dabiiciga, kaas oo tibaaxay in ay xilligan baddu aad u kacsan tahay, waxana uu dowladda ugu baaqay in ay ka warqabto Kalluumeysatada.
Inkastoo dhibaatooyin ay heysato kalluumeysatada Sooomaaliyeed ayaa misana waxa jira in mudooyinkii ugu danbeeyey ay dhallinyaro badan ku soo biireen howlaha jilaabashada kalluunka, taas oo u noqotay shaqo abuur ay noloshooda ku maareeyaan sida uu inala wadaagay Gudoomiyaha iskaashatada kulluumeysiga dan Kulmis Xaaji Kamaal Maki Aweys.
Badda Soomaaliya ayaa la sheegay in ay ku jiraan ilaa 600 oo nooc kaluun ah, kuwaas oo 400 boqol oo ka mid ahi ay yihiin kuwo laga ganacsado, balse nasiib darro waxaa xusid mudan in kheyraadkaasi aanay ku baarugsaneyn bulshada Soomaaliyeed.