Qaar ka mid ah qubarada ku taqasustay cilmiga badaha iyo kalluumeysiga ayaa ka warbixiyey caqabadaha xiligan heysta kalluumeysatada Soomaaliyeed, oo ay ugu horeeyaan dhinaca tayada doomaha iyo qalabka kale ee muhiimka u ah kalluumeysiga, iyadoo intaasina ay wehliso in xilliyada qaarkood gudaha badda lagu waayo kalluumeysato u jilaabasho tagtay.
Eng Ceydruus axmed xasan oo ku taqasusay cilmiga kalluunka iyo badaha ayaa ka warbixiyey dhibaatooyinka ugu badan ee kalluumeysatada ka heysta noocyada agab ee ay ku shaqeeyaan, isagoo xusay in qalabka kalluumeysatada uu aad u liito.
Eng Ceydruus ayaa dhinaca kale sheegay in ay aad u kala fog yihiin baaxada kalluunka laga helo xeebaha Soomaaliya iyo tirada dadka ka faa’iideysta, kuwaas oo sida uu sheegay ay aad u kooban tahay tiradooda.
Bilihii ugu danbeeyey waxaa soo ifbaxayey in kalluumeysto Soomaaliyeed lagu waayey gudaha badda, kuwaas oo markii danbe laga helay wadamo ay ka mi yihiin singaboor, iyo maldaves, haddaba maxaa keeni kara in shilalka noocaasi ay ka dhacaan gudaha badda sida uu tilmaamay, Dr Xuseen Cali Axmed oo ah qabiir aqoon dheeraad u leh qeyraadka dabiiciga.
Inkastoo dhibaatooyin ay heysato kalluumeysatada Sooomaaliyeed ayaa misana waxa jira in mudooyinkii ugu danbeeyey ay dhallinyaro badan ku soo biireen howlaha jilaabashada kalluunka, taas oo u noqotay shaqo abuur ay noloshooda ku maareeyaan sida uu ku waramayo gudoomiyaha iskaashatada kulluumeysiga Dan Kulmis Xaaji Kamaal Maki Aweys.
Badda Soomaaliya ayaa la sheegay in ay ku jiraan ilaa 600 oo nooc kaluun ah, kuwaas oo 400 boqol oo ka mid ahi ay yihiin kuwo laga ganacsado, balse nasiib darro waxaa xusid mudan in kheyraadkaasi aanay ku baarugsaneyn bulshada Soomaaliyeed.