(Hortabin Media) – Meelo badan oo ka mid ah gobollada dalka waxaa ka taagan dagaal beeleedyo u dhaxeeyo dad walaalo ah, kuwaas oo isku heysta arrimo la xiriira dhul daaqsimeed.
Dagaal beeleedyada ayaa saameyn weyn ku yeelan kara sida qubaradu sheegayaan dagaalka looga soo horjeedo Al Shabaab, maaddaamada dowladdu ay ku mashquuleyso xalinta dagaalladaasi.
Sidoo kale dagaal beeleedyadan ayaa hakinaya doorka ciidamada beelaha ee loo yaqaan Macawiisleyda, kuwaas oo si weyn uga qeyb qaatay wajigii koowaad ee dagaalka Al Shabaab, isla markaana ka saaray deegaanno fara badan.
Dadka siyaasada Soomaaliya la socda, ayaa aaminsan in dagaal beeleedyadan badankood ay hurinayaan Al Shabaab, oo doonaya in ay iska dabciyaan culeyska saaran, si ay fursad ugu helaan in ay mar kale isa soo abaabulaan.
Beelaha Soomaalida ayuu inta badan dhex maraa dagaal beeleedyo salka ku haya dhul daaqsimeed, waxaana dagaalladaasi ka dhasha khasaare kala duwan, oo isugu jira dhimasho iyo dhaawac.