Xaalad adag oo siyaasadeed ayaa maanta ka taagan magaalada Baladweyne ee xarunta gobolka Hiiraan, kadib markii Madaxweynaha Hirshabelle uu xil-ka qaadis xalay ku sameeyey Gudoomiyihii gobolka Hiiraan Cali Jeyte.
Cali Jeyte oo maata warfdiyeeenada shir jaraa’id ugu qabtay Baladweyne ayaa ka soo horjeestay xil ka qaadistii lagu sameeyey, isagoo taa baddelkeeda ku dhawaaqay maamul cusub oo la magac baxay Hiiraan State.
Wuxuu sheegay in aanu la dhacsaneyn siyaasadda maamulka Hiiraan, isla markaana ay qasab tahay in dadka Hiiraan ay sameystaan maamul danahooda ka shaqeeya.
Cali Jeyte wuxuu si cad u sheegay in ay isku mid ula dagaallamayaan Al Shabaab iyo Hirshabelle, taas oo caqabad ku noqon karta wajiga labaad ee dagaalka ka dhanka ah Al Shabaab.
Lama ogga halka uu xaalku ku danbeyn doono, balse waxaa maanta aad u kacsan xaaladda Baladweyne, iyadoo shacabku ay dhigeen dibadbax ay ku diidan yihiin xil ka qaadista Cali Jeyte.