Waxaa cabsi xooggan laga muujiyay in Webiga Shabeelle fatahaad uu ku sameeyo Deegaanno katirsan Dowlad-Goboleedka Hir-Shabeelle, waxaa xoogga la saaray sidii looga hortagi lahaa iyada oo jawaanno la dhigay meelaha loo arko in uu karkaarada ka jabsan karo.
Mas’uuliyiin katirsan Dowlad-Goboleedka Hir-Shabeelle ayaa warbaahinta u sheegay in qorshaha socda uu yahay baraarug la xiriira sidii Bulshada looga wacyigelin lahaa halista ay kala kulmi karaan haddii uu Webigu fataho.
Tan labaad waa in la sameeyo kahortag si wadajir ah looga qaybqaadanayo iyada oo jawaanno laga buuxiyay ciid la dhigayo meelaha jilcan ee la is dhihi karo in uu ka fatahaadda ka sameyn karo si loo badbaadiyo deegaannada uu webigu maro.
Xiliyada roobka uu da’o ama dhanka Itoobiya oo Soomaaliya uu kasoo galo biyo badan soo raacaan Webiga waxa uu sameeyaa Fatahaad saameyn taban ku reebta deegaanno katirsan Gobollada Hiiraan, Shabeelaha Dhexe iyo Shabeelaha Hoose.
Sababta ugu weyn ee fatahaadda loo sababeynayo waa in uusan jirin goobo biyo xireenno ah oo lagu kala yareeyo marka uu Webiga buuxsamo si marka uu guro ama biyo yareeyo dib loogu isticmaalo loogana faa’iideysto.