Darawalada mootooyinka Bajaajta ayaa cabasho xooggan ka muujinaya biyo fariistay qaar ka mid ah wadooyinka magaalada Muqdisho, kadib roobab maalmahan ka da’ay Caasimadda
Darawalada mootooyinka ayaa sheegaya in arrintan ay caqabad ku noqotay, nolol maalmeedkooda, isla markaana ay dhibaato fara badan kala mutaan iyaga iyo dadka rakaabka ah ee soo raaca mootooyinkooda, maaddaama aan Xaafadaha qaar la gali karin biyo buux dhaafiyey awgeed.
Dhallinyarada ku shaqeysata mooto Bajaajta ayaa maamulka Gobolka Banaadir ka codsaday in la keeno booyado dhuuqa biyaha fariistay qaar ka tirsan wadooyinka Muqdisho.
Darawalada Mootooyinkaas ayaa carabka ku dhuftay in ay yihiin canshuur bixiyayaal xaq u leh in loogu adeego, dhaqaalaha laga qaado, iyagoo maamulka Gobolka ka dalbaday in cabashadooda loo dhaga nuglaado.
Dadka ku shaqeysta mooto Bajaajta ayaa u badan dhallinyaro fursado shaqo ka waayey dalka, kuwaas oo go’aansaday in ay mootooyinkan ku shaqeystaan, halkii ay tahriibi lahaayeen.
Darawalada Mooto Bajaajta iyo dadka Caasimadda ayaa horey ugu dhib qabay xirnaanshaha wadooyinka muhiimka ah ee Caasimadda, taas oo caqabad ku ahayd howlahooda maalinlaha.