Qoysas badan oo ka mid ah kuwa ku barakacay gudaha dalka ayey xilligan la soo gudboonaatay hoy la’aan baahsan, waxaana qoysaskan oo ku hoyanayey aqalo cooshado ah, gabi ahaanba dhamaaday bacihii ku dadnaa guryahooda.
Qabowga dhacaya iyo darayada ku heysata Duleedka Caasimada oo ah halka ay ku dayacan yihiin ayey iminka ka muujinayaan walaac badan, waxaana xusid mudan in qoysaskan ay xilliyo kala duwan soo gaareen xeryaha barakacayaasha ee banaanka Muqdisho.
Mako cismaan ayaa sheegtay in hoy’ la’aan ba’an ay wehelka u noqdeen iyo ubadkeeda, iyadoo sidoo kale soo hadal qaaday culeyskii ay ka martay soo beegsiga duleedka Muqdisho, oo sida ay xustay dhibaato badan ay ka dhaxashay.
Biyaha ayaa kaalin weyn uga jira waxyaabaha helidooda ay qoysaskan dhibaatada badan ku qabaan, waxaana Jirkaanga biyaha ee Labaatanlaha ah laga siiyaa lacag dhan 2-kun oo shilinka Soomaaliga ah, taas oo aysan awoodin.
Qoysaskan ayaa sidoo kale la daalaa dhacaya daruufo kala duwan oo xaga nolosha ah, sida cunno yarri, Caafimaad darri iyo Waxbarasho la’aan heysata ubadkooda.
Maxamed Nur waxa uu ka qeyb ka yahay barakacayaasha naafada ah ee waayaha adag ku qaabilaya xeryaha barakacayaasha duleedka Muqdisho, wuxuuna Hortabin la wadaagay inuu xaalad halis ah wajahayo, maaddaama aanu ubadkiisa u xoogsan karin, sababo la xiriira baahida gaarka ah ee uu qabo.
Barakacayaasha ku nool Caasimada Muqdisho oo ah dad la hardamaya nolosha, ayaa sheegaya in sanado badan aysan heli wax gar gaar ah, waxaana waqtigan ay dalabanayaan in laga jawaabo wal walka badan ee hareeyey noloshooda.