Kooxo Burcad badeeda ah ayaa jimcihii afduubtay markab ganacsi, kaas oo marayey meel u dhaw Xeebaha Puntland ee dalka Soomaaliya.
Markabka ayaa si gaar ah ugu shiraacanyey meel dhowr KM u jirta xeebta Eyl ee gudaha Puntland sida ay xaqiijisay hay’adda la socodka ganacsiga badaha ee dalka Britain.
Hay’adan ayaa sheegtay in markabkaasi ay afduubteen burcad badeed Soomaali ah, waxeyna tilmaameen in ay wadaan baaritaan la xiriira halka uu ku danbeeyo.
Markabkan ayaa ahaa mid ganacsi, waxaana saarnaa shaqaalle u dhashay dalal kala duwan, taas oo muujineysa halista weerarada burcad badeeda ee soo xoogeystay.
Dhawaan ayey ahayd markii burcad badeed Soomaali ah ay xeebaha Puntland ka afduubteen markab ganacsi oo aad u weyn, kaas oo lagu magacaabo Ruen, isla markaana laga leeyahay dalka Bulgaria.