Sida ay sheegeen sheegay ciidamada Midowga Yurub ee la-dagaalanka burcad badeedda, waxaa dhawaan xeebaha Soomaaliya laga afduubtay Markabka Ruen, oo ah markab ganacsi.
Ciidamada midowga yurub ayaa sidoo kale hoosta ka xariiqay in Markab ay leeyihiin ciidamada badda Spain ay ku baxeen markabka ganacsi ee la afduubtay, kaas oo ka diiwaan-gashan dalka Malta.
Sida ay shaacisay Xarunta hawlgallada wadajirka ah ee EUNAVFOR ee Spain, markabka la afduubtay ayaa la arkayey xilli uu marayey meel qiyaastii 500 mayl-badeed bari ka xiga Jasiiradda Socotra ee u dhow Soomaaliya.
Mid ka mid ah Burcad badeeda ku sugan Puntland ayaa wakaaladda wararka ee Reuters u sheegay, in lix ka mid ah saaxiibadiis ay afduubteen markabkan ganacsi, oo sida uu sheegay dhawaan imaan doona xeebaha Puntland.
Sida la xaqiijiyey Markabka Ruen waxaa maamula shirkadda Bulgare ee dalka Bulgaria, sida ku cad xogta ay keydisay shirkadda aruurisa macluumaadka maraakiibta ee loo yaqaan Equasis.
Weerarkan ayaa noqonaya kii ugu horeeyey ee guuleysta tan iyo 2017-kii markaasi oo howlgallo ay sameeyeen ciidamada badda ee caalamiga ay hoos u dhigtay weeraradii Burcad badeedda ay ka wadeen xeebaha Soomaaliya.