Madaxweynaha Mareykanka Joe Biden ayaa booqasho taariikhi ah ku tegay dalka Brazil, isaga oo noqday madaxweynihii ugu horreeyay ee Mareykan ah ee isaga oo xilka haya booqda kaynta Amazon.
Biden ayaa ujeeddada safarkiisa ku sheegay in uu ka dhigan yahay dhaxal uu uga tegayo dagaalka lagula jiro isbeddelka cimilada, isagoo diiradda saaraya dhinaca horumarka dhaqaalaha ee dalalka tartanka ugu jira “inay ka faa’iideystaan kacdoonka tamarta nadiifta ah”.
Biden ayaa sheegay in dowladiisu ay ku tallaabsatay himiladii ahayd in ay 11-bilyan oo dollar ay ku bixiso xakameynta is-baddelka cimilada, taas oo ku macneeyey guul ay ku tallaabsatay dowladii uu hoggaaminayey.
Joe Biden ayaa ku dhawaaqay taageero hor leh oo lagu xakameynayo is-baddelka cimilada laguna ilaalinayo kentay Amazon ee dalka Brazil, waxaana intii uu hadlayey uu soo hadal qaaday muhiimada ay leedahay in laga gaashaanto is-baddelka cimilada oo iminka dhibaato ba’an ku haya Caalamka gaar ahaa dalalka soo koraya.