Madaxweynaha Somaliland ayaa waji gabax iyo fadeexo hor leh kala kulmay dowladda Itoobiya, kadib markii uu Hargeysa soo gaaray Danjire ay Itoobiya u igmatay inuu ka shaqeeyo gudaha Hargeysa.
Biixi ayaa ninkan ku tilmaamay inuu yahay qunsul ay Itoobiya usoo magacawday Somaliland, waxaase taasi beeniyey qunsulka oo sheegay in shaqadiisa ay tahay oo qura ilaalinta danaha Itoobiya ee Hargeysa.
Somaliland ayaa qoraalkan soo dhigtay baraheeda Internetka ” Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi ayaa ka gudoomay waraaqaha aqoonsiga Safiirka Cusub ee Itoobiya u fadhiyi doona Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Teshome Shunde Hamito ee dhawaan la soo magacaabay. Safiirka ayaa Madaxweynaha Qaranka Somaliland u soo gaadhsiiyeysalaan diiran oo uu uga siday Ra’iisal Wasaaraha Dalka Itoobiya, Mudane Abiye Ahmed Ali,” ayaa lagu yiri qoraal horay uga soo baxay madaxtooyada Somaliland.
Balse saacado kooban kadib Teshome Shunde Hamito oo ah ninka la soo magacaabay ayaa sheegay in qorshaha loo igmaday uu yahay ilaalinta danaha Itoobiya ee Hargeysa, isagoo afkiisa ka dhowray magaca Somaliland, taas oo caro ku abuurtay Muuse Biixi isla markaana fadeexo hor leh ku noqotay.
Si Kastaba Somaliland ayaa gucla orad ugu jirta in ay aqoonsato Itoobiya, iyadoo kal hore u saxiixday mid ka mid ah marin biyoodyada Soomaaliya, balse Itoobiya ayaa ilaa hadda go’aan cad siinin Somaliland, taas oo waji gabax ku ah Muuse Biixi.