Madaxweynaha Mareykanka Joe Biden ayaa gaaray magaalada Jeddah ee dalka Sacuudiga isagoo kasoo kicitamay dalka Israa’iil.
Guddoomiyaha Mecca Amiir Khalid bin Faisal Al Saud iyo Safiirka Sacuudiga u fadhiya Mareykanka Princess Reema bint Bandar Al Saud ayaa ku qaabilay madaxweynaha garoonka caalamiga ah ee Boqor Cabdulcasiis.
Biden ayaa lagu wadaa in Sacuudiga iyo madaxda kale ee Khaliijka uu kala hadli doono arrimo badan oo ay ka mid yihiin ammaanka iyo tamarta.