Madaxweynaha Mareykanka Joe Biden ayaa jeediyey khudbadiisii ugu horeysay tan iyo markii uu ku dhawaaqay inuu ka haray tartanka doorashada dalkaasi.
Biden oo ku sugnaa xafiiskiisa aqalka cad ayaa khudbadiisa uga hadlay arrimo badan oo ahmiyad u leh dadka Mareykanka, waxaana khudbadiisa sugayey shacab aad u fara badan.
Biden oo khudbaddiisa si toos ah looga daawaday telefishannada Mareykanka xalay fiidkii, ayaa ugu horeyn sheegay in uu isaga haray tartanka doorashada bisha November, sababtuna ay tahay welwelka uu ka qabo mustaqbalka dalka.
Biden ayaa u mahadceliyey dadka Mareykanka oo u idmaday inuu masuuliyada uu maanta hayo, wuxuuna sharaf aad u weyn ku tilmaamay inuu xafiiska aqalka cad ugu adeegay dadka Mareykanka.
Biden ayaa xusay in sii joogitaankiisa ay ka muhiimsan tahay khatarta ay ku sugan tahay waxa uu ugu yeeray Dimuqoraadiyada oo uu sheegay in ay hod ku sii dhaceyso, loona baahan yahay in loo istaago sidii loo bad baadin lahaa, oo ay cagaheeda isugu taagi lahayd.
Biden ayaa tilmaamay in la joogo waqtigii saaxada siyaasadda loo baneyn lahaa dhallinyarada iyo wajiyada cusub ee ku soo biiraya saaxada siyaasadda Mareykanka, kuwaas oo uu xusay in ay wax badan ka baddeli karaan caqabadaha iminka jira.
Biden ayaa ugu danbeyn sheegay in tartanka uu ugu haray sidii uu u mideyn lahaa Dimuqoraadiyeenta, oo sheegay in ay ahmiyad Mareykanka u leedahay, uuna filayo in ay midnimada ku gaaraan hadafyo muhiim ah, oo ku qotomo doorashada November dhaceysa.