(Hortabin Media) – Dhallinyarada iyo waxgaradka Beesha Faca weyn ee Gaaljacel oo kulan isugu yimid ayaa ka dhiidhiyey, habka loo maamulay ama loo qeybiyey kuraasta golaha deegaanka ee Magaalada Jowhar ee gobolka Shabeelaha Dhexe.
Dhallinyaradan kulanka isugu timid, ayaa si weyn u dhaliilay hoggaanka maamulka Hirshabelle, kaas oo ay ku tilmaameen inuu afduubtay saamigii ay ku lahaayeen gollaha deegaanka magaalada Jowhar, oo ay beeshu degto.
Dhallinyaradan oo goconayey xasuuso kala duwan, iyo dulmi loogu geysanayo shaarka dowladda ayaa muujiyey sida ay uga xun yihiin matalaad la’aanta ku heysata Hirshabelle, waxana siyaasiyiinta ku matasha maamulkaasi, ay ku sheegeen kuwo qaatay ” Cad Quureed”.
Dhallintan aqoonyahanka ah ayaa kuraastii laga siiyey golaha deegaanka Jowhar ku qeexay mid aan la aqbali karin, oo ka beel ahaan aan u cuntamin.
Dhallinyarada Beesha Gaaljacel, ayaa sheegay in haddii ay arrintan ka aamusaan ay dhici doonaan kiisas kale oo kuwaan ka waa weyn, kuwaas oo keeni kara in gabi ahaanba ay lunto mataalaadooda.
Maamulka Hirshabelle iyo dowladda dhexe ayey u diraan baaq deg-deg ah, waxeyna cod dheer ku sheegeen in sida ugu dhaqsiyaha badan looga laabto, habkii loo qeybiyey kuraasta golaha deegaanka Jowhar, oo sida ay xuseen aan loo marin qaab cadaaladeed.
Beesha Gaaljacel, ayaa ka mid ah beelaha Soomaaliyeed ee miisaanka culus ku leh dalka, waana beel taariikh weyn leh oo degta dhul aad u ballaaran, waxaana lagu ixtiraamaa oo looga bartay ilaalinta dhaqanka, waxeyna beelaha kale uga tilmaaman tahay, nabad jaceelka iyo daris wanaaga.