Xilli lagu gadu jiro bisha barakeysan ee Ramadaan ayey cabasho xooggan ka imaaneysa qoysaska Barakacayaasha ee ku dayacan duleedka Muqdisho.
Qoysaskan ayaa sheegaya in aanay heysan waxyaabaha bud-dhiga u ah nolosha aaddana sida biyaha, cunnada, caafimaadka iyo waxbarashada.
Iminka oo lagu guda jiro bisha Barakeysan ee Ramadaan ayey codsanayaan in laga caawiyo raashinkii ay ku afuri lahaayeen, maaddaama xaaladoodu adag tahay.
Gudaha Muqdisho iyo Duleedka waxaa tuban qoysas badan, kuwaas oo la hardamaya nolosha, isla markaana daruufo kala duwan uga soo barakacay deeganadii ay ku noolaayeen.