Baraha Bulshada oo ay sanadihii ugu danbeeyey si aad ah u isticmaalayeen Soomaalida, ayaa xilligan door weyn ku leh nooleynta qabyaalada.
Waxaa akoono Pages- ah ka furtay Facebooga, rag Soomaaliyeed, kuwaas oo tabinaya hadalo xanaf leh, waana kuwo aflagaado kula kacaya beelaha kale.
Raggana oo doonaya in loogu yeero magaca Weriye, ayaa bulshada ku beeraya qabyaalada, waxana mid walba uu difaacayaa beesha uu ka soo jeeda, isagoo beelaha kalana ku xad gudbaya.
Dadkan oo u badan rag, ayuu ujeedkoodu yahay marin habaabinta Jiilka maanta, iyagoo quluubtooda ku beeraya qabiil jaceelka, halka beelaha kalana ay u tusayaan kuwo caddow ku ah beeshooda.
Qaar ka mid ah dhallinyarada ayey ku guuleysteen in ay marin habaabiyaan, kuwaas oo faalooyin aragtidooda qabiliga ku saleysan ka dhiibanaya, muuqaalada iyo qoraalada qabyaalada ku qotoma ee ay soo dhigaan Akoonadooda.
Aqoonyahanka iyo waxgaradka Soomaalida ayaa talo ahaan ku soo jeediyey in dowladda ay qabato madal, lagu sheegayo tallaabooyinka guracan ee ay ragaasi wadaan, si ay bulshada uga digtoonaato.
Culumada iyo indheer-garadka bulshada ayaa sida la sheegayo muhiim ah in ay arrintaasi joojinteeta ka qaataan door wacan, si loo helo jiil quluubtooda ay nadiif ka tahay qabyaalada.
Sodonkii sano ee uu danbeysay, Soomaalida waxaa daashaday qabyaalada, taas oo qeyb ka ah waxyaabihii bur buriyey dowladnimada Soomaaliya, waxaana musiibo weyn ah in ay weli jiraan rag soo nooleynaya qabyaalada, kuwaas oo taageero helaya.