Saacadihii la soo dhaafay waxaa bannaanbaxyo ballaaran lagu qabtay magaalooyin ka tirsan gobollada dhexe ee Soomaaliya, gaar ahaan maamulka Galmudug.
Dibadbaxyadan oo lagu taageerayey dagaalka Al Shabaab dalka looga xoreynayo, ayaa ka dhacay magaalooyinka Gaalkacyo iyo Guriceel, halkaas oo ay isugu soo baxeen dad aad u tiro badan.
Dadka isku soo baxay ayaa watay boorar ay ku muujinayaan taageerada ay u hayaan ciidamada dowladda iyo sida ay uga soo horjeedaan Al Shabaab.
Bannaabaxyaaasha ayaa ciidamada dowladda u rajeeyey guul, iyagoo ka codsaday in sida ugu dhaqsiyaha badan Al Shabaab looga saaro meelaha ay kaga sugan yihiin Galgaduud.
Dibadbaxyaasha ayaa bogaadiyey qabasashadii ciidamada dowladda ee degmada Ceelbuur, waxaana bannaabaxan uu noqonayaa midkii ugu horeeyey ee deegaanadaasi ka dhaca, kaas oo lagu taageerayo wajiga labaad ee dagaalka ka dhanka ah kooxda Al Shabaab