Magaalada Caasimada ee Muqdisho waxaa maanta ka dhacay dibadbax aad u ballaaran, kaas oo looga soo horjeedo heshiiskii ay wada gaareen Itoobiya iyo Somaliland, ee ogolaanayey in Itoobiya la siiyo 20km oo ka mid ah dhul badeedka Soomaaliyeed.
Bannaabaxan oo uu soo qaban qaabiyey maamulka gobolka Banaadir, ayaa waxaa ka soo qeyb galay shacab aad u fara badan, kuwaas oo ka kala yimid degmooyinka ay ka kooban tahay Muqdisho.
Dadka ayaa muujinayey dareenkooda, waxaana ay ku dhawaaqayeen erayo ka dhan ah damaca Itoobiya ay ku dooneyso in ay ku qaadato qeyb ka mid ah biyaha Soomaaliya.
Shacabka dibadbaxa ka qeyb galayey qaarkood ayaa wajiyadooda laga dheehanayey dareen wadaniyadeed, waana kuwo si cad u diidan qorshaha Itoobiya, oo u muuqda mid aanan soconeyn waqtigan.
Bannaanbaxa Muqdisho ka dhacay waxaa ka hadlay qaar ka mid ah madaxda dowladda Soomaaliya, kuwaas oo si rasmi ah u sheegay in aan la aqbali karin xad-gudubka ay Itoobiya kula kacday dowladnimada iyo madax bannaanida dhuleed ee Soomaaliya.