Magaalada Columbus ee gobolka Ohio ee dalka Mareykanka, waxaa Axaddii shalay lagu aasay wiil 18 jir Soomaali ah oo rag hubeysani ay Jimcihi toogasho ku dileen.
Xogaha la helayo ayaa sheegaya, in kooxo looga shakisanyahay in ay ku lug lahaayeen dilka marxuumka oo lagu magacaabi jiray Maxamed Cabdiraxman, lagu arkay qabuuraha taas oo qalqal gelisay dadki joogay aaska.
Meydka wiilka ayaa laga helay meel dhowr iyo toban tallaabo u jirta halka uu gaarigiisa ku baakimay, waxaana falkan dilka ah uu dhaliyey hadal heyn ballaaran oo ay isla dhex marayaan Soomaalida ku nool Columbus.
Sida laga dheehday muuqaalka meydka wiilka, waxaa xabad looga dhuftay madaxa, hase ahaatee ilaa iyo iminka waxaanan la heynin cidii falkaasi ka danbeysay, marka laga tago tuhuno kala duwan.
Booliska ayaa baaritaan ku haya kiiskan, waxaana jawaabtooda u dhag taagaya Soomaalida ku nool Columbus, kuwaas oo si aad ah uga xumaaday falkan dilka ah ee lagula kacay wiilkan da’da yar.