Iyadoo ay cirka isku sii shareereyso xiisadda u dhexaysa dowladda federaalka Soomaaliya iyo dowlad goboleedka Jubbaland, ayaa waxaa waqtigan muuqda dadaalo lagu xalinayo xiisadaasi.
Kulanka Saacadihii la soo dhaafay dhex maray madaxweynaha Jubaland Mudane Axmed Magaalada iyo wafdi dhexdhexaadiyayaal ah oo ka socotay Dowladda Kenya, islamarkaana ergo ka ah Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud.
Wafdigan oo uu hogaaminayay Xoghayihii hore ee fulinta urur goboleedka IGAD, danjire Maxbuub Macalin, Ergeygii hore ee IGAD u qaabilsanaa Soomaaliya Maxamed Cabdi Afeey iyo senatorkii hore ee ismaamulka Wajeer Cabdiraxmaan Colow, ayaa la sheegay inuu madaxweyne Xasan Shiikh ka codsaday inay labada dhinac u kala dab qaadaan.
Balse wararka hordhaca ah ee aan helayo ayaa sheegaya in kulankaasi uu ku soo idlaatay natiijo la’aan, isla markaana uu Axmed Madoobe ka biyo diiday dhex-dhexaadinta ay wadeen xubnahan,
Axmed Madoobe ayaa si dhab ah ugu sheegay xubnaha doonayey in ay xiisadan qaboojiyaan, in uusan ku qanacsaneyn tallaabada uu qaaday Xasan Sheekh ee ku aaddan doorashada dadweynaha, waxana uu ka dhawaajiyey in Xasan uu qaatay go;aan ku qotoma rabitaankiisa, taas oo sida uu xusay aan isaga u cuntameynin.