Ciidamada Howlgalka Nabad Ilaalinta Soomaaliya u jooga ee ATMIS ayaa sheegay in ay baaritaan ku sameynayaan dil lagu eedeeyey ciidamadooda in ay u geysteen dad rayid ah.
Warkan oo soo baxay 17-kii bishan ayaa ATMIS dusha looga tuuray in dad rayid ah ay ku xasuuqday meel u dhaw degmada Buulo Mareer ee gobolka Shabeelaha Hoose.
Ehelada dadkaasi oo ay murugo badani ka muuqato ayaa meydadka keenay Muqdisho, waxeyna xuseen in la gowracay dadka qaar, iyagoo tilmaamay in ay jawaab ka rabaan ATMIS.
ATMIS ayaa war ay soo saartay ku sheegtay in ay ka warqabto cabashada laga soo gudbiyey, waxeyna xuseen in ay wadaan baaritaan la xiriira sida ay wax u dhaceen iyo in ciidankoodu falkan ku lug leeyahay.
Ciidamada Nabad ilaalinta ATMIS ayaa u tacsiyeeyey ehelada dadkii geeriyooday, waaase arrin inta badan soo noq noqota in ATMIS lagu eedeeyey dilka dadka rayidka ah ee ka agdhaw deegaanada ay fariisimada ku leeyihiin.