kooxda Arsenal ayaa la filayaa in saacadaha soo socda ay la soo wareegto daafac kooxda Ajax Jurrien Timber.
Labada kooxood, waa Arsenal iyo Ajax ayuu waqtigan wada hadalkoodu marayaa heer gebogebo ah, waxaana isbuucyo ka hor dhacay heshiis shakhsi ah oo ay gunner la gaartay Jurrien Timber.
Heshiiska ay gunners kula soo wareegeyso daafacan ayaa ku kacaya lacag u dhaxeysa €45 ilaa 48m, kaas oo ah dalabkii ugu danbeeyey ee Arsenal ay ku rabto xidigan.
Mike Arteta ayaa xidigan muddo badan xiiseynayey, waana mid sidoo kale xiiseynaya inuu xagaagan soo iibsado wax ka badan hal xidig, oo xoojiyo daafac naadiga ka dhisan waqooyi London.