Ardayda sanadkan u fariisaneysa Imtixaanka Shahaadiga ee dugsiga sare, ayaa soo dhaweeyey hadal ka soo yeeray Wasiirka Waxbarashada Faarax Cabdulqaadir, kaas oo ahaa in aan wax lacag ah laga qaadin ardayda galeysa Imtixaanka Dowladda.
Ardaydan oo ka soo jeeda qoysas aan isku heer dhaqaalle ahayn, ayaa tallaabada uu qaaday Wasiirka ku tilmaamay mid bogaadin mudan.
Waalidiinta Caruurtan oo qaarkood aanan awoodin lacagahaas, ayey sidoo kale arrintan farxad ku abuurtay, waxana qaarkood oo la hadlay warbaahinta ay sheegeen in wasiirka uu u hiiliyey jiilka mustaqbalka dalkan dhaxli lahaa.
Imtixaanka shahaadiga ee dugsiga sare, ayaa dhacaya 27-ka bishan May, waxaana lagu galayaa dhowr xarumood oo ku kala yaalla caasimadda iyo dowlad goboleedyada, marka laga reebo Puntland iyo Somaliland.
Gudaha dalka, waalidiintu waxey dhaqaalle fara badan ku bixiyaan xarumaha waxbarashada oo ah kuwo gaar loo leeyahay, waxaase eed iyo dhaliil laga keenayaa tayada daruusta ay siiyaan ardayda oo ka baddelan kuwa ay bixiyaan dalalka dariska.