Dowladda China ayaa deeq waxbarasho siisay arday Soomaaliyeed oo tiradoodu ay gaareyso 50 arday, kuwaas oo qeyb ka ahaa ardaydii wax ka barata jaamacada umadda Soomaaliyeed.
50-ka arday ee deeqdan waxbarasho ka faa’iideystay ayaa kaalmaha hore ka galay imtixaanaadka kuliyadaha kala duwan ee jaamacada umadda, waxana deeqdani lagu micneeyey mid xoojineysa tayada ardaydaasi.
Safiirka China ee Soomaaliya Wang Yu, oo ugu horeyn ka hadlay Munaasabada lagu shaacinayey deeqdan waxbarasho, ayaa ka warbixiyey muhiimada in la kobciyo aqoonta dhallinyarada oo sida uu sheegay ah mustaqbalka beri.
“”Hadaba maanta anaga oo gacan siinayna walaalaheena somaliyeed, waxaan ku dhawaaqeynaa in aan deeq waxbarasho ugu yaboonay 50 arday, kuwaas oo ka mid ah ardayda dhigata jaamacada umadda, waxaana aaminsanahay in waxbarashada ay ardayda ka caawineyso in ay dalkooda wax u taraan, sababtoo ah mustaqbalka Soomaaliya waa dhalinyaro, maddama ay iminka yihiin tirada ugu badan ee bulshada, dhalinyaradu waa raasamaal bini’aadminimo oo aad u wayn waxaan u baahanahay in aan kobcino waxaan u baahanahay in aan wax barano”
Wasiiru dowlaha Waxbarashada Xukuumada Soomaaliya Nuura Mustaf ayaa ka mahad-celisay deeqdan waxbarasho ee dowladda china ku taageertay ardayda Soomaaliyeed, waxana dhinaca kale ay ardayda ugu baaqday in ay fursadan ka faa’iideystaan.
Gudoomiyaha Jaamacadda Umadda Dr Xasan Cismaan Gacal ayaa ugu danbeyntii madasha ka sheegay in deeqdan waxbarashada ay xoojin doonto xiriirka ka dhaxeeya shacabka Soomaaliyeed iyo kuwa China.