Jimchii aynu ka soo gudubnay ayey Kooxda Al Shabaab weerar ku bilawday qaraxyo ku qaadeen Hotelka Pearl Beach ee ku yaalla Xeebta Liido ee Magaalada Muqdisho, waxeyna ka dhex dagaallamayeen muddo ku dhaw 8 saacadood, iyadoo weerarkaasi uu geystay khasaare isugu jira dhimsho, dhaawac iyo bur bur hantiyeed.
Haddaba maxaa keenay in weerarada noocan ah ay ku soo noq noqdaan Caasimada Muqdisho sideese looga hortagi karaa?
Su’aalahan ayaan hor dhigaynay qaar ka mid ah qubarada amniga iyo aqoonyahanada Soomaaliyeed.
Korneyn Cabdulaahi Cali macow, oo horey uga tirsanaa ciidamada nabad sugida Soomaaliya, ayaa sheegay in dhowr jeer weeraro noocan oo kala ah lagu soo qaaday hotelada ku yaalla Xeebta liido, taas oo ay ahayd in wax laga barto si aanay mar danbe u soo noqon, isagoo weerarkii jimcihii ku tilmaamay mid ku yimid dayac dhanka hay’adaha amniga ah.
Axmed Cabdulaahi oo horey Wasiir ku xigeen uga soo noqday maamulka Galmudug ayaa muujiyey shaki ku aaddan in la fududeeyey weerarkii jimchii aynu ka soo gudbnay lagu qaaday hotelkan ku yaalla Xeebta Liido.
Wasiirkii hore ee Waxbarashada Cabdiraxmaan Daahir Cismaan ayaa hoosta ka xariiqay in Ururka Al Shabaab looga awood roonaaday dagalladii ugu danbeeyey ee ay ka qeyb qaateen dadka deegaanka oo kaashanaya ciidamada dowlada, wuxuuna xusay in loo baahan yahay in dadka Muqdisho ay is abaabulaan, si ay kooxdaasi isaga caabiyaan.
Aqoonyanada qaar ayaa ku talinaya in hay’adaha amniga ay adeegsadaan eyda u tababaran la dagaallanka aragagixisada sida uu inala wadaagay Prof Sonkor Jaamac Geyre oo horey usoo noqday Agaasimaha Guud ee Wasaarada Gaashaandhiga.
Weerarkan ayaa ku soo beegmay xili mudooyinkii ugu danbeeyey ay xasioonleyd magaalada Muqdisho, taas oo amigeeda lagu wareejiyey ciidamada Boolisyo Milataro ee lagu soo tababara dalka Ugandha.