Walaac aad u ballaaran ayuu Aqalka Cad ee Mareykanka ka muujinayaa xiisada dimlomaasiyadeed ee u dhaxeysa Soomaaliya iyo Itoobiya, taas oo ka dhalatay damaca Itoobiya ee biyaha Soomaaliya.
Aqalka Cad ayaa xiisadan u akra walaac amni, kaas oo horseedi kara khatar aad u fara badan, caqabadna ku noqon doona amniga geeska Afrika.
Agaasimaha isgaarsiinta istaraatiijiga ah ee Golaha Amniga Qaranka oo lagu magacaabo John Kirby, ayaa tilmaamay in Mareykanku uu la shaqeynayo dhinacyada gobolka ee wada, isu soo dhaweynta labada dal.
Agaasimaha ayaa ku celiyey hadalkii Mareykanka ka soo yeeray kal hore ee ahaa, in ay aqoonsan yihiin madax-bannaanida iyo wadajirka dhuleed ee dalka Soomaaliya.
Agaasimaha ayaa xiisadan ku tilmaamay mid awood siineysa Al Shabaab, wuxuuna soo dhaweeyey shirka urur goboleedka IGAD ee maanta furmaya.