Gudaha Xeryaha qaxootiga Dhadhaab waxaa ka dhacay kulan looga hadlayey amniga xeryahaasi, kaas oo ay isugu yimaadeen saraakiil ka socota dowladda Kenya iyo qaar ka mid ah Waxgaradka qoysaska ku nool xeryahaasi.
Kulanka oo ahaa mid saacado socday, ayaa looga arrinsaday sidii loo xaqiijin lahaa amniga xeryaha qaxootiga, isla markaana ay isku kaashan lahaayeen Booliska Kenya iyo waxgaradka ku nool xeryahaasi.
Kulanka ayaa intii uu socday lagu gaaray go’aamo wax ku ool ah, kuwaa oo looga hortagayo falalka lidiga ku ah amniga, iyo sidoo kale Maandooriyaha noocyadiisa kala duwan, oo mudooyinkii u danbeeyey ku soo batay Xeryaha Dhadhaab.
Kulankan ayaa imaanaya xilli maalmihii ugu danbeeyey gudaha Xeryaha qaxootiga Dhadhaab ay ka dhacayeen falalk amniga caqabad ku ah, kuwaas oo ay fulinayeen dhallinyaro isticmaasha maandooriyaha noocyadiisa kala duwan.