Saacadihii la soo dhaafay Waxaa magaalada Buuloburde ka qabsoomay kulan looga hadlay amniga magaalada Buuloburde, iyada oo kulanka ay qeyb ka ahaayeen Saraakiisha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed iyo maamulka dagmada Buuloburde ee ku sugan gobolka Hiiraan.
Shirkan, ayaa waxaa shir gudoominayay ku simaha taliyaha qaybta 27-aad ee ciidanka dhulka xoogga dalka soomaaliyeed Gaashaanle dhexe Cabdullahi Barre, oo maalmihii ugu danbeeyey halkaasi ku sugnaa.
Intii uu kulanka socday gaashaanlaha waxa uu saraakiisha ka dhagaystay xaaladda guud ee gobolka, halka uu maraayo dagaalka ka dhanka ah Al-shabaab iyo deegaannada ay ku dhumaaleysanayaan.
Sidoo kale , Taliyaha ayaa ku bogaadiyay saraakiisha ciidanka xoogga dalka soomaaliyeed ee ka howlgala dagmada iyo deganada ku hareereysan, kuwaas oo furimaha hore ku sugan muddo aad u dheer.
Hirshabelle waxaa mudooyinkii ugu danbeeyey ka jiray xiisado siyaasadeed, waxaana xusid mudan in maamulka la aqoonsa yahay laga bar bar dhisay mid kale oo sida sheegayo ku yimid rabitaanka shacabka iyo siyaasiyiinta qaarkood, waxaana maamulkaasi magac ahaan loo bixiyey Hiiraan State, inkastoo uusan heysan wax aqoonsi ah.