Dowladda Aljeeriya ayaa amar ku siisay 12 diblomaasi Faransiis ah inay dalka kaga baxaan 48 saacadood gudahood, sida uu xaqiijiyay Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Faransiiska, Jean-Noël Barrot.
Go’aankan ayaa la xiriira dacwad lagu soo oogay saddex muwaadin oo Aljeeriyaan ah oo mid ka mid ah uu yahay sarkaal qunsuliyadeed, kuwaas oo lagu eedeeyay inay ku lug lahaayeen afduubkii Amir Boukhors oo ahaa nin si wayn u dhaliila dowladda Aljeeriya ayna magangelyo siyaasadeed siiyeen Faransiiska sanadkii 2023.
Wasiirka Arrimaha dibadda Faransiiska ayaa ugu baaqay Algeria inay ka laabato go’aanka musaafurinta, isagoo sheegay in Faransiisku diyaar u yahay wada hadal.
Xiisaddan siyaasadeed ee u dhaxeeya labada dal ayaa sii kordheysa, iyadoo ay horey uga jireen khilaafaad la xiriira arrimo diblomaasiyadeed iyo xuquuqda aadanaha.