Kooxda Al Shabaab ayaa waqtigan kordhisay beegsiga ay ku heyso xarumaha ganacsiga Muqdisho iyo duleedkeeda, kuwaas oo u dhaga nuglaaday amarkii dowladda.
Kooxda ayaa wacad ku martay in ay weerari doonaan xarumaha ganacsiga ee xirta kaamirooyinka sida qarsoon wax u duuba ee CCTV, waxaana saacadihii la soo dhaafay ay weerareen Suuq ku yaalla duleedka Muqdisho.
Suuqan oo ku yaalla deegaanka Weydow, ayey la beegsadeen qarax nooca la hago ah, waxaana ka dhashay khasaare kala duwan, inkastoo aan ilaa iyo iminka wax dhimasho ah la xaqiijin.
Suuqa ayaa markii qaraxa lala beegsaday waxaa ka kacay dab kaas oo saameeyey qeybo ka mid ah suuqa, waxaana halkaasi ku qasaaray dhaqaalle badan oo ay lahaayeen ganacsato Soomaaliyeed.
Kooxda Al Shabaab ayaa sidoo kale toddobaadkii hore weerar qaraxyo ah ku qaaday suuqa deegaanka Ceelasha Biyaha, halkaas oo ay ka dhasheen khasaare kala duwan.