(Hortabin Media) – Khilaaf xooggan ayaa waqtigan ka dhex aloosmay madaxda ururka Al Shabaab, kuwaas oo isku fahmi waayey qaabka loo wajahayo gulufka colaadeed ee ku soo wajahan.
Xubno ka tirsan hoggaanka kooxda ayaa ku taliyey in ay la isaga baxo meelaha weerarka lagu soo yahay, isla markaana dib loogu qaado weeraro rogaal celisa oo gaadmo ah.
Kuwo kale ayaase ku taliyey in dagaalka la galo, isla markaana la difaacdo deegaanada gacanta lagu hayo, taas oo dhalisay in faham waaga iyo khilaafka soo kala dhex galay kooxda.
Al Shabaab ayaa horey dadka ku nool meelaha ay maamullaan ugu diiday in ay ka barakacaan dagaalka ku soo wajahan, xilli dowladda ay dadkaasi baaq u jeedisay.
Khilaafkoodan cusub ayaa sida la rumeysan yahay wiiqi karo awoodooda, waxaana macquul ah in kooxdu ay ukala jabto labo garab, waana fursad loo baahan yahay in ay dowladdu ka faa’iideysato.