Xubno ka tirsan Al Shabaab ayaa maanta soo buuxdhaafiyey degmada Balcad ee gobolka Shabeelaha Hoose, halkaas oo ilaa iminka ay ku sugan yihiin.
Xubnaha Al Shabaab ee Balcad yimid ayaa gubay gaari xamuul ah oo ku soo jeeday Magaalada Jowhar e xarunta gobolka Shabeelaha Dhexe.
Cabsi xooggana ayey maanta dareemayaan dadka ku dhaqan degmada Balcad ee gobolka Shabeelaha Hoose, waxaana qaarkood ay ka carareen aqaladooda sababo la xiriira xaaladda amaan ee ku soo korortay Balcad.
Masuuliyiinta Hirshabelle ayaanan ilaa iyo iminka ka jawaabin xaaladdan, waxaana jira in Al shabaab sanadihii ugu danbeeyey ay dhibaato ku hayeen gudaha Deeganada Hirshabelle.