Ninkan ayaa ku eedeysan inuu la shaqeeyey kooxda Al Shabaab, isla markaana uu u furay Akoon, ay lacagaha baadda ah ku gurtaan.
Cabdinuur Fooley oo ah Agaasimaha eedeysan ayaa loo heystaa furida akoonkan, waxaana howshan kala shaqeeyey oo isaga iyo Al Shabaab u dhaxeeyey nin ay qaraabo dhaw yihiin.
Maxkamada Gobolka Banaadir oo uu ka soo hormuuqday, ayuu iminka yaallaa kiiskiisa waxaana su’aallo adag weydiiyey Guddoomiyaha Maxkamadda Salax Dabaan.
Agaasime Cabdinur ayaa ku guuldareystay ka jawaabida su’aalihii la weydiiyey, taas oo kiiskiisa ka dhigi karta mid halis ah oo uu xukun adag ku muto.
Dowladda ayaa billawday baaritaanada iyo dabagalada ay ku sameynayaan shaqaalaha dowladda iyo maamullada xubnaha ka ah, kuwaas oo ay ku jiraan rag badan oo xiriir la leh Al Shabaab, waa tallaabo hore loo qaaday oo muujineysa heerka xogaha sirdoonka dalka uu gaarsiisan yahay.