Garoonka diyaaradaha ee Muqdisho waxaa maanta ka soo digay Agaasimaha Guud ee Sirdoonka Kenya Nuuradiin Yuusuf Xaaji, kaas oo arrimo kala duwan Soomaaliya u yimid.
Agaasimaha Sirdoonka Kenya, waxaa gigada duyuuradaha Muqdisho ku soo dhaweeyey Taliyaha Nabad Sugida Soomaaliya Mahad Salaad, oo ay kulan yeelanayaan saacadaha soo socda.
Labada Taliye Sirdoon ayaa ka wada hadli doona sida la filayo arrimo kala duwan, oo ay ka mid yihiin sidi loo xoojin lahaa iskaashiga dhinaca sirdoonka ee ka dhaxeeya labada dowladood, ee Soomaaliya iyo Kenya.
Waxaa kale oo kulankooda lagu wadaa in ay ku lafa guraan, habkii loo yagleeli lahaa sirdoon rasmi ah oo raad gura Al Shabaab, kuwaas oo xogahooda soo gudbiya.
Agaasimahan Guud ee Kenya u xilsaartay Soomaaliya ayey tani noqoneysaa booqashadiisii koowaad, waxaana tallaabadan lagu macneeyey mid abuuri karta isku soo dhawaansho labada dal ah.