Magaalada Burco waxaa ku geeriyooday Abwaan Cismaan Warsame (Hurre-Walanwal) oo si aad ah ay u yaqaaniin bulshada Soomaaliyeed.
Abwaan Hure Walanwal ayaa oo ahaa suugaanyahan dhaqan yaqaan ah, wuxuuna hore u tiriyey dhowr gabay oo aad ay jecel yihiin bulshada Soomaaliyeed.
Abwaanka, ayey walaalo ahaayeen Allah ha u naxariistee asna Abwaan-kii caanka ahaa Maxamed Warsame Hadraawi, kaas oo isna hore u geeriyooday.
Hure Walanwal oo ahaa Hadraawi walaalkiis, ayaa ku dhashay magaalada Ceynaba, sanadkii 1946-dii, wuxuuna ku barbaaray isla magaaladaasi.
Geeridiisa ayaa taabatay bahda Suugaan yahanada, maaddaama uu ka mid ahaa dadka fara ku tiriska ah ee ka haray suugaan yahanadii hore ee dhaqanka aadka u yaqaanay.