Degaanno badan oo ka tirsan Galmudug, waxaa iminka ka socda abaabul ciidan oo ka dhan ah kooxda Al Shabaab.
Magaalada Guriceel ayaa lagu soo bandhigay ciidamo fara badan, kuwaas oo ka qeyb qaadanaya wajiga labaad ee gulufka dagaalka looga soo horjeedo Al Shabaab.
Ciidamadan oo u badan macawiisleey, ayaa wacad ku maray in ay Al Shabaab ka saari doonaan deegaanada ay uga sugan yihiin Galgaduud.
Al Shabaab ayaa sanado badan gacanta ku haya deegaanno Istaraatiiji ah, oo ka tirsan Galmudug, kuwaas oo ay ka mid yihiin Ceelbuur, Galhareeri iyo deegaanno kale, waxaana jirta in dhowr jeer lagu guul dareystay in laga saaro deegaanadaasi.