Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa shir guddoomiyay kulanka Guddiga Joogtada ah ee Golaha Shacabka, waxaana ku weheliyay Guddoomiye Ku-xigeenka Labaad ee Golaha Shacabka Mudane Cabdullaahi Cumar Abshirow.
Guddoomiyaha ayaa guddiga uga warbixiyay xaalada guud ee dalka gaar ahaan dhacdooyinkii ugu dambeeyay ee dalka ka jiray intii uu ahaa Ku-simaha Madaxweynaha JFS. Sidoo kale kulanka waxaa lagu ajandeyay kulamada soo socda iyo shuruucda ay soo gudbisay Xukuumadda Federaalka Soomaaliya.
Kulanka gudiyada joogtada ayaa ku soo beegmaya xilli Barlamanka Soomaaliya uu horyaallo Dastuurka qabyo qoraalka ah, kaas oo doonaya in sida ugu dhaqsiyaha badan loo dhameystiro, wallow lagu kala fekir duwan yahay.