Dagaal u dhaxeeya ciidamada falaagada ah ee gobolka Tigreega ee waqooyiga Itoobiya iyo ciidamada dowladda dhexe ayaa ka qarxay agagaarka magaalada Kobo.
Dagaalkan ayaa kusoo aadaya xabad joojin muddo bilo ah socotay wuxuuna dhabar jab weyn ku yahay rajadii laga qabay wadahadaladii nabadeed ee dhex mari lahaa xukuumadda Ra’iisul Wasaare Abiy Ahmed iyo Jabhadda TPLF.
Labada dhinac ayaa midba midka kale ku eedeeyay inuu ka dambeeyo dagaalka.
Bayaan kasoo baxay dowladda ayaa lagu sheegay in jabhadda TPLF ay weerar kasoo qaaday jihooyinka Bari ee Bisober, Zobel iyo Tekulshe, sidaasina ay ku u jebisay xabbad joojintii socotay. Hase yeeshee, jabhadda TPLF ayaa iska fogeysay eedeyntaasi, waxayna sheegtay in dowladdu ay jebisay heshiiskii xabad joojinta ahaa ayna filayaan weerar culus oo dhanka galbeed kaga yimaada.
Dagaalada ka socda gobolka Tigray oo bilowday bishii Nofeembar 2020 ayaa waxaa ku barakacay malaayiin qof, waxana ku dhintay kumanaan rayid ah.
Dowladda ayaa ku dhawaaqday xabad joojin bini’aadantinimo bishii Maarso si gargaar bini’aadantinimo loogu fidiyo shacabka ay dagaaladu go’doomiyeen.
Ahmed Dhaqane, Nairobi