Wafdi uu hogaaminayo Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda Soomaaliya Abshir Cumar Huurse ayaa maanta gaaray magaalada Garoowe ee dowlad goboleedka Puntland. Wafdiga ayaa hordhac u ah safarka madaxweyne Xasan Sheekh uu ku tagi doono magaalada Garowe maalinta Khamiista ah sida ay sheegeen ilo ku dhaw madaxtooyada qaranka.
Wafdiga ayaa waxaa garoonka diyaaradaha ku soo dhaweeyay wasiirada wasaradaha Arimaha Gudaha iyo Maaliyadda ee DG Puntland Maxamed Cabdiraxmaan Dhabancad iyo Xassan Shire Cabdi iyo sidoo kale qaar ka mid golaha wasiirada. Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa lagu wadaa in uu kulamo la yeesho madaxda sare ee maamulka Puntland iyo qeybaha kale ee hay’adaha dowladda iyo sidoo kale bulshada rayidka qeybaheeda kala duwan.
Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa horay u booqday dowlada goboleedyada Koonfur Galbeed iyo Galmudug.
Maxamed Xuseen, Muqdisho