Sagaal safiir iyo saraakiil sar sare oo ka kala socda wadamada Yurub iyo Canada ayaa si wada jir ah u bogaadiyay hanaanka Guddiga Madaxa Banaan ee Doorashooyinka iyo Xuduudada ee Kenya ay maareeyeen doorashooyinkii guud ee 9-kii bishan ka dhacay dalkaaasi.
Bayaan ay soo saareen safiirada ayaa waxa ay ku sheegeen in doorashada oo aheyd mid daah furan ay halbeeg iyo tusaalaba u noqotay qaaradda Afrika.
“Kenya waxay tusaale u noqotay gobolka iyo guud ahaan qaaradda Afrika. Waxaan ugu baaqeynaa dhammaan qeybaha kala duwan ee siyaasadda in ay xoojiyaan nabada iyo xasiloonida toddobaadyada soo socda,” ayaa lagu yiri bayaanka.
Safiirada iyo wakiilada kale ee soo saaray bayaankan ayaa ka kala socday dalalka Australia, Canada, Denmark, Germany, Netherland, Norway, Sweden, Switzerland iyo United Kingdom.
Wakiilada ayaa ku dhiirogeliyay xisbiyada siyaasadda iyo hoggaamiyeyaasha in wixii khilaaf iyo kala aragti duwanaansha ah lagu xaliyo nidaamyada sharci ee dalka ka jira iyadoo la dhowrayo dastuurka.
Axmed Dhaqane, Nairobi