Hogaamiyaha mucaaradka Raila Odinga ayaa ku gacan seyray markii 5-aad natiijada doorashadii madaxtinimo ee 9-kii bishan ka dhacday dalka Kenya. Guddoomiyaha Guddiga Madaxa Banaan ee Doorashooyinka iyo Xuduudaha (IEBC) Wafula Chebukati oo shalay ku dhawaaqay natiijada ayaa sheegay in William Ruto uu ku guuleystay doorashada isagoo tilmaamay in uu helay 7,176,141 cod oo u dhiganta 50.45%, halka uu sheegay in Raila Odinga uu helay 6,942,930 cod oo u dhiganta 48.85%.
Hase yeeshee, Raila Odinga oo aan isla markiiba jawaab degdeg ah ka bixin natiijada ayaa maanta ugu dambeyn afka furtay isagoo sheegay in isbaheysigiisa ay qaadi doonaan dhamaan tallaabooyinka dastuurku u ogol yahay.
Hadalka Raila Odinga ayaa kusoo beegmaya kadib markii maanta ay mar kale hadleen afar ka mid ah todobada xubnood ee Guddiga Madaxa Banaan ee Doorashooyinka iyo Xuduudaha oo shalay ka hor yimid natiijada ka hor inta aan lagu dhawaaqin natiijada.

Xubnahan ayaa saxaafadda u sheegay in natiijada uu ku dhawaaqay guddiga ay tahay mid aan sax aheyn iyagoo tilmaamay in wadarta guud ee sida ay murashixiinta u kala heleen codadka ay noqoneyso 100.01% taas oo ka dhigeysa in codad gaaraya 142,000 oo dheeri ah oo sameyn lahaa “farqi weyn” aan la xisaabin. Waxa ay sidoo kale sheegeen in guddoomiyaha uusan siinin fursad ay kaga wada hadlaan natiijada ka hor inta uusan ku dhawaaqin.
Doodda Raila Odinga
Raila oo ka hadlayay natiijada doorashada ayaa yiri “Aragtidayada, ma jiro qof si sharci ah oo si sax ah loogu dhawaaqay in uu ku guuleystay madaxweynenimada. Ku dhawaaqida Mr Chebukati ee qofka ay guusha raacday waa mid aanay waxba ka jirin.
“Waxa uu u dhaqmay si aan sharciga waafaqsanayn oo aan tixgalin dastuurka iyo shuruucyada. Waxa uu dalkeenna gelin rabay qalalaase, haddii aanay taageerayaasheennu is-xakamayn laheyn,” ayuu yiri Raila Odinga oo ay garab taagan yihiin ku-xigeenkiisa Martha Karua iyo Kalonzo Musyoka.
Raila ayaa sidoo kale sheegay in cadaalad darada uu sameeyay guddoomiyaha Guddiga Madaxa Banaan ee Doorashooyinka iyo Xuduudaha Mr. Chebukati ay ka mid tahay inuu yahay qofka kaliya ee helay tirada codadka isagoo aanan ku wargelinin guddiga intiisa kale.
Baaqa Odinga ee taageerayaashiisa
Raila Odinga ayaa marka laga soo tago dooda ay ka qabaan natiijada doorashada sidoo kale ku booriyay taageerayaashiisa inay ilaashadaan nabadda oo ay isdejiyaan wuxuuna u sheegay in isbahaysigiisa uu isticmaali doono dariiq kasta oo uu dastuurku u baneynaayo si meesha looga saaro natiijada sharci darada ah ee uu ku dhawaaqay Chebukati.
“Waxaan idiinku boorinayaa inaad sidaas nabadda u sii ilaalisaan sidoo kale waxaan idinka codsanayaa in inuu qofna sharciga gacantiisa ku qaadan. Waxaan ka shaqeynaynaa hab kasta oo dastuuri ah oo aan ku burin natiijada sharci darrada ah ee aan dastuurka waafaqsanayn.” ayuu hadalkiisa kusii daray Raila.
Sharciga Kenya ee muranada dastuuriga ah
Sharciga dalka Kenya ayaa dhigaya in dacwad-oogayaasha ay haystaan muddo todobo maalmood ah oo ay dacwadooda ugu gudbin karaan maxkamadda sare, iyadoo dhanka kalana ay haystaan muddo afar maalmood in ay kaga jawaabaan eedeymaha loo soo jeediyay.
Tani waxay ka dhigan tahay in Raila Odinga iyo isbaheysigiisa ay haystaan muddo todobo maalmood ah in ay ku tagaan maxkamadda sare.
Go’aanka maxkamadda
Maxkamadda Sare ayaa sida sharciga uu dhigayo laga rabaa in ay xukunka ku riddo laba toddobaad gudahood. Go’aanka Maxkamadda Sare ay ka qaadan doonto muranka u dhaxeeya labada dhinac ayaa noqon doona mid dalka u horseedi doona xalka kama dambeysta ah ee soo afjari doona khilaafkan.
Axmed Dhqane, Nairobi