Diyaargarowga xil wareejinta iyo dhaarinta madaxweynaha xiga ee Kenya ayaa si rasmi ah u bilaabmay sida ay shaaciyeen guddiga loo xilsaaray hannaanka kala guurka ee xafi.
Guddiga Qabanqaabada Xafiiska Madaxweynaha ayaa kulankoodii ugu horeeyay maanta, saddex maalmood ka dib markii shacabka Kenya ay u dareereen goobaha codbixinta si ay u doortaan qofka bedeli doona madaxweynaha xafiiska baneynaya Uhuru Kenyatta.
Guddoomiyaha guddiga, Joseph Kinyua, oo hadda ah madaxa adeegga dadweynaha ayaa isagoo saxaafadda kula hadlayay xafiiska madaxweynaha ee Harambee House, sheegay in ay hadba shacabka la wadaagi doonaan habsami u socodka howsha loo xilsaaray.
“Howsha ugu muhiimsan ee guddiga ayaa ah in la fududeeyo si habsami leh nidaamka kala guurka ee maamulka hadda jira iyo maamulka cusub,” ayuu yiri Joseph Kinyua iyadoo ay garab taagan yihiin xubnaha guddiga.
“Si dhab ah, waajibaadka guddiga ayaa la howl gelin doonaa marka guddiga doorashada ee IEBC ay si rasmi ah ugu dhawaaqaan natiijada doorashadii madaxtinimada iyo madaxweynaha la doortay.”
Joseph Kinyua ayaa sheegay in maalinta caleema saarka madaxweynaha cusub ay noqon doonto maalin fasax ah.