Madaxweynaha DG Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, oo uu weheliyo ku-xigeenkiisa Axmed Cilmi Cismaan Karaash, ayaa maanta shir-guddoomiyey shirka golaha wasiiradda oo todobaadkan looga hadlay amniga guud iyo wax ka bedelka maalmaha shaqada ee hay’adaha dowladda, iyo ansixinta khidmada iyo ganaaxyada wado marista.
Shirka ayaa sidoo kale looga hadlay, soo bandhigista Sanduuqa Horumarinta degmooyinka iyo xoojinta xiriirka hay’adaha dowladda.
Wasaaradda Shaqada Shaqalaha Dhallinyarada iyo Ciyaaraha, ayaa golaha usoo gudbisay talo-soojeedinta iyo waxka bedelka maalmaha shaqada waxaana goluhu cod aqlabiyad ah ku ansixiyey, in maalmaha shaqada ay noqdaan 5 cisho, iyadoo wakhtiga shaqada uu yahay 8-da subaxnimo illaa 4-ta galabnimo si waafaqsan Xeerka Shaqaalaha Rayidka ah, maalmaha fasaxa ee Puntland waxay noqon doonaan Jimcaha iyo Sabtida.
Waxaa si gaar ah loo tixgelinayaa in Hay’adaha Dowladda ee bixiyaa adeegyada lagama maarmaanka ah sida dekadaha, garoomada, caafimaadka, kastamyada inay u shaqeeyaan si joogto ah aan maalmahooda fasaxa wax iskabedeli doonin.
Maxamed Xuseen, Muqdisho