Madaxweynaha DG Axmed Cabdi Kaariye ayaa kulan la qaatay wafdi uu hogaaminayo danjiraha Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya James Swan oo maanta gaaray magaalada Dhuusamareeb.
Madaxweynaha iyo danjiraha QM ee Soomaaliya ayaa ka wada hadlay arrimo dhowr ah oo ay kamid yihiin mashaariicda hormarineed, aminiga, abaaraha, la dagaalanka Al-Shabaab.
Qaramada Midoobay ayaa dhanka kale lagu wadaa in ay dhawaan xafiis cusub ka furayo magaalada Dhuusamareeb.
Maxamed Xuseen, Hortabin Media